Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa diiwaangeliyay in dibadbaxyadii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah waddanka ay ku nafwaayeen 8 ruux.
Ku xigeenka guddoomiyaha guddigan Dr. Raymond Nyeris ayaa sheegay in dhimashooyinkan laga xaqiijiyay 6 ismaamul oo kala ah Machakos oo lagu dilay labo ruux ,Makueni (2), Nakuru (1), Kiambu (1), Uasin Gishu (1) iyo Nyandarua (1).
Guddiga KNCHR ayaa sidoo kale diiwaangeliyay in mudaaharaadyada ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo ruux oo isugu jira dibadbaxayaal , booliis iyo wariyaal.
In badan oo ka mid ah dhaawacyada ayaa la daaweeyay oo isbitaallada laga saaray halka 83 loo gudbiyay daryeel gaar ah.
Sidoo kale , 61 qof ayaa lagu xiray saldhigyada kala duwan ee booliiska.
Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ayaa intaasi ku daray in lala wadaagay warbixin ku saabsan in dambiilayaal ay ku dhex milmeen dibadbaxayaasha iyagoo gaystay rabshado, bililiqeysi iyo burburin hantiyeed.
Meelaha dhacdooyinkan laga soo tabiyay ayaa kala ah Eldoret, Mombasa, Nairobi, Nakuru, Nyeri, Kajiado iyo Kisumu sida uu guddigu sheegay.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay mudaaharaadyadii shalay.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanayay in ay cadaalad helaan qoysaska dhallinyaradii ku nafwaayay mudaaharaadyadii bishii 6-aad ee sanadkii hore.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in ay tagaan xarunta madaxtooyada ee dalka ee State House balse laamaha ammaanka ayaa taasi ka hor istaagay.
Ciidamada ayaa shalay si wayn u sugay amniga madaxtooyada, baarlamaanka iyo xarunta dhexe ee waaxda garsoorka.