In ka badan 78 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday Yemen

0
278

Ugu yaraan 78 ruux ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimadda dalka Yemen ee Sancaa.
Tani ayaa timid xilli boqolaal qof ay isugu tageen goob waxbarasho si loogu qaybiyo cunno ay ku afuraan sidoo kalena ku suxuurtaan.
Telefishinka Al Masirah ayaa ku warramaya inay dhaawacmeen dhowr qof oo kale oo ay ka mid yihiin 13 ay liidato xaaladooda caafimaad.