In ka badan 700 oo qof oo lagu riday xukun xabsi ka dib rabshadihii Faransiiska

0
225

Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee dalka Faransiiska ,Eric Dupond-Moretti ayaa sheegay in xukuno xabsi ah lagu riday ugu yaraan 700 oo qof oo lala xiriirinayay rabshadihii wadankaasi ka dhacay dabayaaqadii bishii hore.
Wasiirka ayaa waaxda cadaaladda ku bogaadiyey inay sameysay falcelin geesinnimo leh.
Tirada guud ee dadka ay xukumeen maxkamadaha Faransiiska ayaa gaaraysa 1,278 qof.
In ka badan boqolkiiba 95 ee dadkan ayaa lagu soo oogay dacwado ah inay burbur gaysteen sidoo kalena ay weerareen ciidamada booliiska.
27-kii bishii hore ayay ahayd markii gudaha Faransiiska ay ka billowdeen rabshadihii ugu waynaa ee magaalooyinka dalkaasi saameeyay tan iyo sanadkii 2005-kii.
Iskudhacyada u dhexeyay ciidamada ammaanka iyo shacabka dibadbaxayey ayaa yimid ka dib markii la toogtay wiil 17 sano jir ahaa.