In ka badan 70 tahriibayaal ah oo ku dhintay ama lagu la’yahay Liibiya

0
676

Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 qof oo tahriibayaal ah ay u badan tahay inay dhinteen ka dib markii la waayay.
Dadkan ayaa la waayay muddo labo toddobaad gudahooda ah xilli ay marayeen xeebta Liibiya.
Madaxa howlgalka IOM ee Liibiya Federico Soda, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada joogtada ah ee laga soo tabiyo bartamaha badda Mediterranean iyo inaysan jirin tallaabo arrintan wax looga qabanaya.
12-kii bishan ayay ahayd markii doon sidday 25 qof oo tahriibayaal ah ay ku qalibmatay meel u dhow xeebta Liibiya ee Tobruk.
Maamullada ayaa soo badbaadiyay 6 qof waxayna heleen meydadka 7 halka 12 kale la la’yahay.