In ka badan 64 qof oo lagu dilay Qaza

0
321

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 64 qof.
Waxaa sidoo kale la dhaawacay 105 ruux oo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhiibanayaasha badankoodu ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka iyo waddooyinka.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 38,983 qof ayaa lagu dilay Qaza iyadoo la dhaawacay 89,727 kale.