In ka badan 60,000 oo qof oo ilaa iyo hadda lagu dilay Qaza

0
388

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza ay ku nafwaayeen ugu yaraan 60,430 ruux.
Waxaa muddadan gudaheeda la dhaawacay 148,722 qof oo kale.
Waxaa ugu dambeeyay in ka badan 62 ruux oo shalay la dilay oo ay ka mid ahaayeen 38 sugayay in loo fidiyo gargaar baniaadannimo.