In ka badan 60 bukaan oo halis ugu jiro in ay ku geeriyoodaan Qaza

0
338

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 60 bukaan oo ku jira isbitaalka Indonesian Hospital ee Qaza ay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan.
Boqolaal bukaan oo dhaawacyo kala duwan laga daaweynaya ayaa wajahaya cunto la’aan iyo biyo la’aan.
Isbitaalka oo ku yaallo magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Marinka Qaza ayaa militariga Israa’iil u ahaa bartilmaamedsi tan iyo bishii Tobnaad.