In ka badan 58 kun oo qof oo ay saameeyeen daadadka dalka

0
206

Hay’adda Laanqayrta Cas qaybteeda Kenya ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 58,132 qof ay saameyn ka soo gaartay daadadka.
Waxaa sidatan sheegay Dr. Michael Ayabei oo ah madaxa maareynta musiibooyinka ee Kenya Red Cross.
Xilli uu wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu hoosta ka xarriiqay in tirada dadka ku barakacay fatahaadaha ay tahay ugu yaraan 24,928 ruux.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in tiradan ay si maalinle ah u kordhaysa.
Dr. Michael Ayabei ayaa intaasi ku daray inay kaashanayaan waaxda saadaasha hawada ee dalka iyo shirkadaha isgaarsiinta si dadweynaha loola wadaago digniinnada la xiriira isbeddelka cimillada.
Kenya Red Cross oo kaashanaysa militariga dalka ee KDF ayaa gargaar cunno gaarsiisay ilaa 530 qoys oo ay daadad ku saameeyeen degmooyinka Konton, Gerille, Arbajahan, iyo Athibohol oo ka tirsan ismaamulka Wajeer.
Xiriirka caalamiga ee laanqayrta cas ee IFRC ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay hadda la daala dhacaysa saameynta roobabka culus ee El Niño oo ku dhuftay 23 ka mid ah 47-da ismaamul ee dalka.