In ka badan 560 kiilogaraam oo xashiish ah oo lagu gubay Makueni

0
285

Waxaa ismaamulka Makueni lagu gubay in ka badan 560 kiiloogaraam oo ah maandooriyaha xashiishka.
Waxaa arrintan goobjoog u ahaa garsooraha sare ee maxkamadda magaalada Makindu J.B. Ireri.
Sidoo kale waxaa arrintan ka qayb qaatay saraakiisha booliiska, dambi baarayaal iyo howlwadeennada waaxda qaabilsan la dagaalanka daroogada.
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii booliiska Makindu ay gacanta ku dhigeen 6,915 oo xashiish ah.
Balwaddan ayaa qiimaheeda lacageed lagu sheegay ilaa hal milyan oo shilin.