Hoggaanka ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil xalay ka fulisay marinka Qaza in lagu dilay ugu yaraan 55 qof.
Waxaa halkaasi lagu burburiyay ilaa 30 guri.
Dhanka kale saraakiisha dalka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay masjid ku yaalla Daanta Galbeed.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu saaka duqeeyay masjidka Al-Ansar.
Waxay intaasi ku dareen inay dileen dhowr qof oo ka tirsan ururrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee Falastiin oo halkaasi u isticmaalayay talis dhexe ahaan.
Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo laga dheehan karo burburka la gaarsiiyay masjidkaasi oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in saddex qof oo kale lagu dilay weerarro ka dhacay magaalooyinka Nablus , Tubas, Qabatiya iyo Tammun.
Dhanka kale militariga Israa’iil ayaa maanta ugu yaraan 52 qof oo Falastiiniyiin ah ku xiray Daanta Galbeed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay weli duqeymaha Qaza socdaan.
Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay halka dhowr kalena lagu dhaawacay weerar lala eegtay maqaaxi ku taalla magaalada Khan Younis ee dhacda Koonfurta marinka Qaza.
Maamullada Israa’iil ayaa sheegay inay amreen in xadka Waqooyi ee Israa’iil ay la wadaagto Lebanon laga daadgureeyo in ka badan 14 qowmiyadood oo dheeraad ah iyadoo ay socoto rasaasta ay isdhaafsanayaan kooxda Xizbullah iyo ciidamada difaaca ee Israa’iil.
Xizbullahi ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda laga dilay 19 xubnood.