Waxaa lagu soo warramayaa in qaxooti ay tiradoodu tahay nus milyan oo ka qaxay dalka Ukraine kuwaasoo gaaray wadanka Poland ay tiiraanyo wajahayaan.
Dadkan ayaa u baahan taageero dhanka daryeelka maskaxda ah.
30,000 oo ka mid ah ayaa hadda waxay la nool yihiin dhibaatooyin dhinaca dhimirka ah sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO qaybteeda Poland .
Dhibaatooyinka caafimaad ee qaxootigan haysta waxaa ka mid ah shuban, fuuqbax balse caqabadda ugu wayn waa tiiraanyo sida ay sheegtay wakiilka WHO ee Poland Paloma Cuchi oo warbaahinta ugu warrantay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.