In ka badan 50 oo qof oo lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

0
298

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay rabshado isir ku saleysan oo bishan gudaheed laga soo tabiyay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.
Waxaa sidatan sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka wadanka Itoobiya ee EHRC.
Hay’addan oo xiriir la leh dowladda Itoobiya balse madax bannaan ayaa sheegtay in 2-dii bishan ay rag hubeysan ku soo duuleen magaalada Ano oo ay ku nool yihiin in ka badan 10,000 oo barakacayaal ah, islamarkaana ay dad guryahooda ku dileen.
Bayaan ka soo baxay hay’adda EHRC ayaa waxaa ku cad in sidoo kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Oromia, darawalkiisa iyo saraakiil booliis ah la dilay.
Waxaa dilalkan la sheegay inay gaysteen kooxo hubeysan.
EHRC ayaa intaasi ku dartay in afar haween iyo carruur ay ka mid ahayeen dadka la dilay.
Dabley hubeysan ayaa gudaha u galay xero ay ku jireen dad barakacayaal, iyaga oo dilay rag ka mid ah dadka deegaanka oo aynan u suuro gelin inay baxsadaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda ay gubeen qaar ka mid ah meydadka.
EHRC ayaa laga soo xigtay in dadkii ka badbaaday weerarradan, ay sheegeen in kooxaha hubeysan ay ku labisnaayeen dareeska jabhadda xoreynta Oromada ee (OLA).
Iyadoo ay xasiloonidii ku soo laabatay waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dib dagaal socday laba sano, ayaa haddana waxaa weli rabshada la xiriira isir laga soo tabinaya gobolka Oromia.
Gobolka Oromia ayaa ah kan ugu weyn uguna dadka badan ee dalka Itoobiya, kaas oo uu weli ka socdo kacdoon muddo dheer jiray.
Qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu dadka badan ee dalka Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabaneysay in la takooro.
Bishii hore ayay ahayd markii muwaadin u dhashay dalka Shiinaha lagu dilay magaalada Gebre Guracha oo ka tirsan gobolka Oromada oo qiyaastii 160 kiilomitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Dabley hubaysan ayaa sidoo kale in ka badan 60 qof ku dishay magaalada Abora bishi Siddeedaad ee sanadkii hore sida ay sheegtay hay’adda EHRC.