Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir uu cabbirkiisu yahay 7.6 oo shalay subax saameeyay dalka Papua New Guinea.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dhismooyin iyo waddooyin burburay waxaana hadda socdo howlaha samatabixinta.