Ugu yaraan 47 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen shil laga soo tabiyay waddada u dhexeysa Londiani iyo Muhoroni ee ismaamulka Kericho.
Tani ayaa timid ka dib markii bas rakaabkan siday uu waddada ka baxay ka dibna god ku dhacay.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay in dhaawaca 47-da qof la geeyay isbitaalka degmada Fort Tenan.
Waxay intaasi ku dartay in toddobo qof oo ka mid ahaa rakaabka aynan waxyeello soo gaarin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mas’uuliyiinta waaxyaha kala duwan ee dowladda ay dadweynaha ku boorrinayaan inay taxaddar muujiyaan xilli fasaxeedkan Christmas.
Waxaa xilligan oo kale gudaha wadanka ku soo bato shilalka.
Wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ayaa lagu boorriyay inay iska ilaaliyaan falalka khatar gelin karo nolosha rakaabka oo ay ka mid tahay adeegsiga xawaare xad dhaaf ah.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ugu yaraan 12 ruux ay ku dhinteen shil uu galay gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo laga soo tabiyay inta u dhexeysa Machakos iyo Mbooni oo ka tirsan dowlad deegaanka Makueni.