Ugu yaraan 46 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib dab ka kacay magaalada Kaohsiung ee Koonfurta Taiwan halka ilaa 40 kalena ay dhaawacmeen.
Dhacdadan ayaa saameysay dhisme ka kooban 13 dabaq oo ku yaalla degmada Yancheng .
Goobjoogayaal ayaa arroornimadii hore ee maanta sheegay inay maqleen qarax.
Waaxda dab damiska ayaa sheegtay in dabku uu aad u xoogganaa.