In ka badan 4,000 oo qoys oo ku barakacay Naivasha

0
243

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 4,000 oo qoysas ah ay ku barakaceen deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Qoysaskan ayay dantu ku qasabtay in loo wareejiyo guriyo ku yaalla meelaha sare ka dib daadad ka dhashay biyaha harada Naivasha oo intii hore ka sare maray.
Fatahaadka ayaa saameeyay xaafado, beeraha iyo maqaayado.
Waxaa laga cabsi qabaa in halkaasi ay ka dillaacaan cudurrada ku faafa biyaha.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Naivasha ,Josiah Odongo ayaa sheegay in ay u badan tahay in qoysas dheeraad ah ay saameyn soo gaarto.
Wuxuu shacabka ku dhaliilay in ay iska dhaga-tireen amarradii daadgureynta ee xilli hore la bixiyay iyo digniinnadii dowladda.