In ka badan 40 qof oo musuqmaasuq loogu xiray Venezuela

0
222

Ugu yaraan 42 ruux oo lagu eedeynaya ku lug lahaanshaha falalka musuqmaasuqa ayaa lagu xiray dalka Venezuela.
Tani ayaa timid ka dib markii la fuliyey howlgal ka dhan ah musuqmaasuq laga soo tabiyay shirkadda shidaalka ee dowladda wadankaasi ee PDVSA iyo maamullo kale oo xiriir la leh.
Xafiiska dacwad oogaha guud ee Venezuela ayaa sheegay in howlgalka uu soo billowday 17-kii bishii hore ka dib markii booliiska qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa ay soo saareen war murtiyeed ku saabsan in dacwad lagu soo oogo saraakiil ku eedeysan lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Ilaa iyo hadda waxaa is casilay wasiirkii shidaalka ee Venezuela Tareck El Aissami.
Xeer ilaaliyaha guud ee wadankaasi Tarek William Saab ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay dhibaato dhaqaale gaarsiiyeen wadankaasi.
In kastoo aan si rasmi ah loo shaacin qiimaha lacagta la dhacay haddana warbixinnada warbaahinta Venezuela ayaa muujinaya in la lunsaday ugu yaraan 3 bilyan oo doolar.