In ka badan 40 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan

0
252

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay isku soo bax siyaasadeed oo lagu qabanayay Waqooyiga Galbeed ee wadanka Pakistan.
Waxaa isku soo baxaasi qabanayay xisbiga Jamiat Ulema-e-Islam-F (JUI-F) .
Waxaa halkaasi ku sugnaa in ka badan 400 oo ka mid ah xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisa markii uu qaraxu ka dhacayay magaalada Khar ee u dhow xadka Pakistan iyo Afghanistan.
Wasiirka caafimaadka ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa,Riaz Anwar ayaa laga soo xigtay in isbitaallada maxalliga ay diiwaangeliyeen dhimasho dhan 44 halka ay dhaawacmeen ku dhawaad 200 qof oo dheeraad ah.
17 ka mid ah dhaawaca ayay xaaladooda caafimaad liidataa.
Waxaa dhanka kale qaraxa dhacay cambaareeyay afhayeenka dowladda Afghanistan Zabihullah Mujahid.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxa.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.