In ka badan 4 qof oo lagu dilay bariga DRC

0
252

Waxaa lagu soo warramayaa in dabley ay ugu yaraan afar ruux ku dishay weerar gaadmo ama jid gal ah oo ay ka gaysatay gobolka bari ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday machadka qaran ee Congo ee ilaalinta deegaanka ee (ICCN).
Dadka la dilay ayaa ka mid ahaa shaqaalaha wadankaasi ee qaabilsan ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.
6 qof oo dheeraad ah ayaa falkaasi lagu dhaawacay.
Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in ugu yaraan 25 sano bariga DRC ay dagaallo ka wadaan ugu yaraan 122 oo ah kooxaha fallaagada.