In ka badan 4 qof oo ku dhimatay is- rasaaseyn ka dhacday India

0
206

Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii rasaas lagu dhex adeegsaday xero militari oo ku taalla gobolka Punjab ee dalka India.
Militariga dalkaasi ayaa arrinkan shaaca uga qaaday bayaan uu soo saaray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la howlgeliyay kooxda falcelinta ee xeradaasi militari iyadoo goobto la xiray.
Xerada militari ee dhacdadan laga soo tabiyay abaare 4:35 aroornimo ee saacadda dalkaasi ee maanta ayaa loo yaqaana Bathinda waxayna masaafo loo soconaya ilaa 6 saacadood dhanka waqooyi uga beegan tahay caasimadda India ee New Delhi .
Ilaa iyo hadda ma cadda cidda rasaasta ridday iyo sababtii ka dambeysay in kastoo ay socdaan howlgallo baaritaano ah.