Ugu yaraan 37 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul go’ saameeyay Koonfurta dalka Filibiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan dadaallada samata bixinta si loo soo saaro meydad dheeraad ah oo la rumeysan yahay inay ku hoos xanniban yihiin burburka.
Tirada dhimashada waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maamul goboleedka Davao de Oro oo lagu magacaabo Edward Macapili oo sheegay in maanta labo meyd oo kale la helay.
Mas’uuliyiinta Filibiin ayaa xusay in dib u eegis la sameeyay ka dib , tirada dadka la la’yahay oo horay lagu sheegay 77 ay hadda tahay 63 qof.
Waxaa dhul go’a ku dhaawacmay 32 ruux.
Macapili ayaa intaasi ku daray in samata bixinta ay ka qayb qaadanayaan in ka badan 300 oo qof in kastoo ay weli roobab da’ayaan , dhiiqo badan jirto sidoo kalena laga cabsi qabo dhacdooyin kale oo dhul go’ ah.
Roobab culus oo toddobaadyadii ugu dambeeyay ka da’ayay gobolka Davao de Oro ayaa waxaa ka dhashay daadad iyo dhul go’.