Maamullada Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 36 qof ay ku dhinteen weeraro ay ciidamada Israa’iil halkaasi ka fuliyeen.
Dadka dhintay 10 ka mid ah waa carruur halka in ka badan 250 kalena la dhaawacay.
Militariga Israa’iil ayaa weli sii wado duqeymaha uu ka gaysanaya marinka Qaza.
Weerarrada dhanka cirka ah ayaa lagu sheegay kuwii ugu xoogganaa tan iyo sanadkii 2014-kii.
Dhanka Israa’iil waxaa laga dilay ugu yaraan 5 qof.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Quddus iyo daanta galbeed ay dhibaatooyin ku soo gaareen in ka badan 700 oo Falastiiniyiin ah.