In ka badan 35 qof oo lagu dilay Qaza

0
572

Ugu yaraan 35 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka gaysatay Qaza.
Waxaa duqeymaha lala eegtay dhismooyin dhowr ah oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda Shujayea.
Ilaa 55 ruux oo dheeraad ah ayaa weerarrada lagu dhaawacay iyadoo 80 kalena weli la la’yahay oo la rumeysan yahay in ay ku soo xanniban yihiin burburka ka dhashay duqeymaha.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in duullaanka militari ee Israa’iil ee gudaha Qaza ay ku dhinteen ugu yaraan 50,846 qof halka la dhaawacay 115,729 kale.