In ka badan 35 qof oo ku dhintay roobab ka da’ay Pakistan

0
192

Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen roobab culus oo ka da’ay dalka Pakistan.
Roobabkan oo dhul go’ ka dhashay awgii ay guriyo badan ku burbureen ayaa da’ayey 48-dii saacadood ee ugu dambeeyay.
Sidoo kale waxaa xirmay waddooyin badan oo ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee Pakistan.
Ugu yaraan 23 ka mid ah kiisaska dhimasho ayaa laga soo tabiyay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee xadka Pakistan iyo Afghanistan.
Shan ruux oo kale ayaa ku dhintay gobolka Koonfurta Galbeed ee Balochistan ka dib daadad saameeyay magaala xeebeedda Gwadar.
Maamullada Pakistan oo adeegsanaya doomo ayay dantu ku qasabtay inay halkaasi ka soo daadgureeyaan ilaa 10,000 oo ruux.
Sarfraz Bugti oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee gobolka Balochistan, ayaa sheegay in ay halkaasi ku burbureen 700 oo guriyo ah.
Sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii ku dhawaad 1,800 qof ay dalka Pakistan ugu dhinteen daadad ka dhashay roobab culus oo xilligaasi da’ay , waxay saameyn soo gaartay 33 milyan iyadoo ku dhawaad 8 milyan ay guriyahooda ka barakaceen.