In ka badan 323 qoys oo ay daadad ku saameeyeen Kirinyaga

0
297

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa sheegtay in ugu yaraan 323 qoysas ah oo ku nool Thiba oo ka tirsan deegaanka Galbeedka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ay saameyn ka soo gaartay fatahaadda.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo halkaasi ka da’ay maalmihii la soo dhaafay.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in hadda ay socdaan dadaallo lagu caawinaya qoysaskan maadaama shalay la diiwaangeliyay sidoo kalena loo qaybiyay maro kaneecooyin,bustayaal, gogol ,agabka cuntada lagu karsado iyo saabuunno.
Waxaa uu qorshuhu yahay in qoysas dheeraad ah la gaarsiiyo caawimaadda.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in maalmaha nagu soo aaddan qaybo kala duwan oo wadanka ka tirsan ay ka di’i doonaan roobab xooggan.
Meelaha laga cabsi qabo in roobabkan ay saameyn ku yeeshaan waxaa ka mid ah Buuraleyda Bartamaha dalka , Galbeedka ,Rift Valley,Koonfurta Bari , Xeebta, Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed.
Hasa ahaate waxaa uu maalinkii heerkul sarreeya ka jiraa ismaamullada Turkana, Marsabit, Mandera, Wajeer, Isiolo, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Mombasa iyo Kwale.