Ugu yaraan 32 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay wadanka Giriigga.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen labo tareen oo midna ay rakaab saarnaayeen midka kalena uu xamuul siday.
Shilkan ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay meel ka baxsan magaalada ku taalla bartamaha Giriigga ee Larissa.