Dowladda hoose ee ismaamulka Turkana iyo hay’adaha kala shaqeeya dhanka gargaarka ayaa caawimaad gaarsiiyay ugu yaraan 300 oo qoys oo ay fatahaado saameeyeen.
Qoysaskan ayaa boosho , saliidda cuntada lagu karsado iyo agabyada guriyaha lagu isticmaalo loogu qaybiyay xaafadda Napetet ee deegaanka hoose ee Township ward .
Waxaa bixinta deeqdan iska kaashaday dowladda ismaamulka Turkana, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF iyo hay’adda caalamiga ee World Vision.