Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay shalay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 300 oo qof oo ka qayb qaadanayay dibadbaxyadii wadanka ka dhacay.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in dadkan laga qabtay ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo magaalooyinka kale xilli uu iskudhac dhex maray iyaga iyo saraakiisha booliiska.
Wasiirka ayaa bayaan ku sheegay in shakhsiyaadkan lagu soo oogi doono dacwado la xiriira inay gaysteen bililiqaysi , burburinta hantida shacabka , goobo ay dab qabadsiiyeen, waxyeeleynta saraakiisha ammaanka , dhac awood loo adeegsaday iyo falal dambiyeedyo kale.
Upon review of the security situation, the @EduMinKenya has been advised that learning may resume in Nairobi, Mombasa and Kisumu Counties as security agencies continue to protect the lives and properties of all Kenyans
across the Country. pic.twitter.com/EjOKzpg0Vd— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) July 19, 2023




