In ka badan 300 oo qof oo loo xiray dibadbaxyadii dhacay

0
297

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee bulshada ku sheegay in gacanta lagu dhigay 312 qof .
Dadkan oo uu ka mid yahay xildhibaan ayaa ku eedeysan inay si toos ah ama si dadban u qorsheeyeen , uga shaqeeyeen ama u maalgeliyeen dibadbaxyadii wadanka ka dhacay .
Qoraalka wasiirka waxaa ku cad inay jiraan shakhsiyaad kale oo falalkan lala xiriirinaya oo lagu raad joogo.
Kindiki ayaa xusay inuunan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya hoos u dhigidda qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ee lagu dhisay lacagaha dadweynaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in saraakiisha ammaanka la siiyay amarro cad oo ay sida ku habboon ula macaamilayaan sida uu qoraalka u dhigay dambiilayaasha.