In ka badan 300 oo ku dhimatay daadadka Koonfur Afrika

0
545

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay fatahaado ku dhuftay dalka Koonfur Afrika.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ugu yaraan 306 oo ruux.
Daadadka ayaa yimid ka dib roobab culus oo ka da’ay dhanka xeebaha bari .
Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo booqday dadka ay musiibadan saameysay ayaa caawimaad dowladeed u ballanqaaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in fatahaadaha ay jareen waddooyinka sidoo kalena ay hakad geliyeen howlaha isku socodka maraakiibta ee mid ka mid ah dekadaha ugu mashquulka badan wadankaasi.