In ka badan 300 oo ka mid ah qoysaska deggan dhulka Kirima oo maxkamadda aaday

0
272

Waxaa maxkamadda dacwad u gudbiyay ugu yaraan 300 oo ka mid ah qoysaska deggan Njiru iyo Mihang’o oo ka tirsan deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxay doonayaan in la hakiyo dhaqangelinta amar ka soo baxay maxkamadda arrimaha dhulalka iyo deegaanka laanteeda ismaamulka Kisumu oo loogu qabtay 70 cishe oo ay uga guurayaan dhul ay maxkamaddu sheegtay inuu leeyahay qoyska maalqabeenkii geeriyooday sanadkii 2010-kii ee Gerishon Kamau Kirima.
Dadkan ayaa dalbanaya in aan la fulin go’aankii uu soo saaray garsoore Samson Okong’o.
Xaakinka ayaa qoysaskan u qabtay ilaa 31-da bisha 12-aad ee sanadkan si ay uga guuraan dhul ah in ka badan 1,000 eekar haddii kale in halkaasi laga rari doono.
Qoysaska ayaa maxkamadda u sheegay in xubnaha qoyska Kirima ay maxkamadda u gudbiyeen dokumeentiyo been abuur ah oo ku saabsan lahaanshaha dhulkaasi.
Waxay intaasi ku dareen inay hayaan dokumeentiyo sax ah oo muujinaya in milkiilaha dhulkaasi uu yahay muwaadin u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Bernado Vicezo De Masi .