In ka badan 300 arday iyo macalimiin oo lagu afduubtay waddanka Nageria

0
42

Wadarta 303 carruur dugsi iyo 12 macallin ayaa waxaa afduubtay rag hubeysan intii lagu jiray weerarkii Jimcihii lagu qaaday Dugsiga Katooliga ee St Mary’s ee gobolka Niger ee waqooyiga-bartamaha Nigeria.
Laba gobo oo dhaca Waqooyiga Nigeria ayaa amray in dhammaan dugsiyada dadweynaha la xiro sababo la xiriira arrimaha ammaanka. Masuuliyiinya gobollada Katsina iyo Plateau ayaa sheegay in talaabadani ay tahay kumeel gaar.
Booliska ayaa sheegay askarta iyo laamo kale oo ammaanka ay ka baadigoobayaan kaymo u dhow.
Waa afduubkii saddexaad ee tiro aad u badan ah oo ka dhaca Nigeria wax ka yar hal todobaad gudahood ah. afduubayaasha ayaa kordhiyay beegsiga ardayda, macalimiinta iyo dadka cibaadeysanaya si ay uga helaan madax furasho, gaar ahaan Waqooyiga iyo Bartamaha Nigeria.