In ka badan 30 xubood oo argagixiso ah oo lagu dilay waqooyiga Nigeria

0
499

Ciidamada caalamiga ee ilaalada harada Chad ayaa sheegay inay shalay dileen in ka badan 30 xubnood oo ka mid ah kooxaha jihaad doonka labo howlgal oo la fuliyay.
Ciidamada isku dhafka ee caalamiga ah MNJTF waxay sheegeen in weerarro cir iyo dhul ahaa oo ka dhacay deegaanka Tumbun Rago ee gobolka Borno waqooyi bari dalka Nigeria ay ku dhinteen xubno badan oo argagixiso ah.
Saraakiishu waxay xuseen in 7 askari oo ka soo kala jeeda dalalka Chad iyo Niger ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen intuu howlgaladu socdeen.
Weerarradaan ayaa qayb ka ahaa howlgalo loogu magac daray Operation Lake Integrity oo soo bilowday 21-kii bishii saddexaad sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ku sugan xarunta dhexe ee ciidamada ku leeyihiin magaalada N’Djamena ee caasimada dalka Chad.
Cirifka koonfur-galbeed ee harada Chad ayaa waxay hooy u noqotay kooxda jihaad doonka ah ee Boko Xaraam ee dalka Nigeria ka soo jeeda iyo kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee dowladda islaamiga ah isugu yeedha kuwaasoo inta badan ku dhuumaalaysta Jasiiradda ku teedsan dhul-badeed balaaran.
Ciidamada isku dhafka ah ee magacooda loo soo gaabiyo MNJTF ayaa ah isku darka qaab-dhismeedka cutubyo caalamiga ah oo u badan ciidan ka kala yimid waddamada Benin, Cameroon, Chad, Niger iyo Nigeria waxayna xaruntoodu tahay magaalda N’Djamena ee dalka Chad ciidankaan waxaana loo igmaday inay soo afjaraan kooxda Boko Xaram ee galbeedka Afrika ka dagaalama.
Sanadkii 2015, afartan wadan ee xaduudka la leh harada ee kala ah
Chad, Cameroon, Niger iyo Nigeria waxay ku biireen Benin si ay dib ugu howlgaliyaan ciidanka isku dhafka ah ee MNJTF oo la aas-aasay sanadkii 1994 balse aan inta badan howlgalo fulin jirin.