In ka badan 30 qof oo lagu dilay Thailand

0
458

Ugu yaraan 34 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar isugu jiray toogasho iyo mindi la adeegsaday oo maanta ka dhacay dalka Thailand.
Falkan oo uu gaystay sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada booliska ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun carruurta lagu xannaaneeyo.
Booliska ayaa laga soo xigtay in ninka uu dilay xaaskiisa iyo canug uu dhalay ka hor inta uunan isna isdilin.
Sarkaal degmo oo lagu magacaabo Jidapa Boonsom, ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha uu ugu horreyn toogtay ilaa 5 qof oo ka mid ah shaqaalaha xarunta .
Intaasi ka dib waxaa uu gudaha u galay qol ay carruurta hurdayeen isagoo mindi ku dilay ilaa 29 ka mid ah.
Sanadkii 2020, ayay ahayd markii askari ka carooday heshiis natiyeed uu toogasho ku dilay ugu yaraan 29 qof halka 57 kalena uu dhaawacay.