In ka badan 30 qof oo ku dhintay daadadka Beijing

0
332

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay fatahaadaha saameeyay caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing iyo agagaarkeeda.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 33 qof oo 5 ay yihiin saraakiisha samatabixinta.
Ugu yaraan 18 ruux oo dheeraad ah ayaa weli la la’yahay .
Daadadka ayaa waxaa sababay roobab culus oo da’ay halka sidoo kale ay guriyo soo dumeen.
Roobabka oo maalmo da’ayay awgeed ayaa waxaa dumay 59,000 oo guriyo ah halka ay burbureen 150,000 kale .
Daadadka ayaa saameeyay dhul cabbirkiisu yahay in ka badan 37,000 oo eekar sida ay maanta shaacisay dowladda Shiinaha.
Sidoo kale waxaa go’ay waddooyin badan iyo ugu yaraan 100 buundooyin ah sida laga soo xigtay ku xigeenka duqa magaalada Beijing Xia Linmao oo shir jaraaid qabtay.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska shacabka iyo samatabixiyeyaasha ku nafwaayay daadadka.