Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil tareen oo laga soo tabiyay jasiiradda Taiwan.
Ugu yaraan 36 qof ayaa shilkaas ku nafwaayay halka 70 kale ay weli ku hoos jiraan burburka.
Shilka ayaa yimid ka dib markii saaka uu tareenka ka baxay khadkii loogu talagalay ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
In ka badan 40 qof oo dheeraad ah ayaa shilka ku dhaawacmay .
Kooxaha samata bixinta ayaa weli ku dadaalaya sidii ay u gaari lahaayeen gaadiid badan oo shilka ku burburay.
Musiibada ayaa ka dhacday bariga Taiwan maanta.
Maamulka Tareenada ee Taiwan ayaa lagu soo warramay inay sheegeen in cillad bixinta ay dhacday 9:28 subaxnimo ee saacadda dalkaas halka tareenka shilka galay ay taargadiisu tahay 408 .