Ugu yaraan 30 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka 50 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen labo tareen oo marayay degmada Ghotki ee gobolka Sindh dalka Pakistan.
Warbaahinta Dawn News ayaa ku warramaysa in shilku uu ka dhacay meel u dhow magaalada Dharki .
Maamullada ammaanka ee Pakistan ayaa laga soo xigtay in tareenka Sir Syed Express oo ka soo ambabaxay magaalada Lahore kuna wajahnaa Karachi uu ku dhacay mid kale oo loo yaqaano Millat Express ka dib markii uu khadka ka baxay.
Waxaa shilka iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka guddoomiyaha degmada Ghotki Cismaan Cabdullahi.
Waxaa uu intaa ku daray in ay suurtagal tahay in tirada dhimashada ay sii kororto maadaama ay jiraan rakaab weli ku hoos xanniban tareenada rogmaday.
Waxaa dalka Pakistan ku badan shilalka u dhexeya tareenada iyada oo maamullada halkaasi ka jiro lagu eedeyo in aynan dadaal badan ku bixin ka hor tagga dhacdooyinkan.