Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Isaaq Cali Cabdulle ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shir Jaraa’id uu warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, islamarkaana qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyay Xildhibaan Aamina Maxamad Cabdi iyo dadkii la socday oo uu si toos ah u beegsaday.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa labaad oo loo adeegsaday gaari nooca ay soomaalidu u taqaano ee NOHA qaraxyo laga soo buuxiyay uu ku qarxay albaabka hore ee Isbitaalka wayn ee Beledweyne, ayna ku dhinteen dad farabadan oo shacab ahaa isagoona jiray rag iyo dumar oo ka agdhawaa.
Waxaa uu dhanka kale xaqiijiyay in qaraxyada ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo ay ku jireen Xildhibaan Aamina Maxamad iyo Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, dad shacab ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen afartameeyo qof.
Taliyaha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle inay Muqdisho u qaadan dad qaba dhaawacyo culus oo si xun u waxyeeloobay, isagoo xusay in xalay ilaa saaka dhaawacyo badan la geeyay Xarumaha Caafimaadka.
Waxaa uu Taliyaha tilmaamay inuu burburay Isbitaalka wayn ee Magaalada Baladweyne.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in laamaha amniga ay wadaan baaritaanno kala duwan, islamarkaana la soo qaban doono dadkii ka dambeeyay qaraxyadii xalay dhacay, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga




