In ka badan 30 qof oo ku dhimatay gaas ku qarxay maqaaxi ku taalla Shiinaha

0
256

Ugu yaraan 31 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib qarax ka dhashay gaas cunno lagu karinayay gudaha maqaaxi ku taalla Waqooyiga Galbeed ee dalka Shiinaha.
Toddobo ruux oo kale ayay dhaawacyo soo gaareen.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Yinchuan, ee gobolka Ningxia Hui.
Wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in maqaaxida ay xilligaasi ku sugnaayeen dad badan oo isugu yimid u dabbaal degga fasax saddex cishe ah .