Dhul go’yo iyo daadad saameeyay Koonfurta dalka Filibiin oo ka dhashay roobab culus ayaa waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 31 qof.
Waaxda maareynta musiibooyinka ee Filibiin ayaa sheegtay in sagaal qof oo dheeraad ah la la’yahay.
Dhibaatada ugu wayn ayaa laga soo tabiyay magaalada Cotabato ee jasiiradda Mindanao oo ay ku nool yihiin ilaa 300,000.
Tirada dhimashada ayaa horay ahayd 13 balse waa ay sii korortay.
Ciidamada qalabka sida ee Filibiin oo adeegsanaya baabuurta xamuulka ayaa soo qaadaya shacabka ku xayiran magaalada Cotabato iyo sideed magaalooyin oo u dhow sida uu warbaahinta u sheegay madaxa waaxda badbaadada rayidka ee gobolkaasi Nasrullah Imam.




