In ka badan 30 qof oo ku dhaawacmay shil tareen oo ka dhacay Netherlands

0
242

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay dhaawacmeen 30 ruux oo qaar ka mid ah ay xaaladooda caafimaad liidato ka dib markii tareen siday ugu yaraan 50 qof oo rakaab ah uu ku qallibmay Koonfurta dalka Netherlands.
Shilka ayaa ka dhacay tuulada Voorschoten oo qiyaastii 55 kiilomitir dhanka Koonfureed kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Amsterdam.
Shilka ayaa la soo tabiyey abaare 3.30 subaxnimo ee maanta ee saacadda dalkaasi sida ay ku warramaysa warbaahinta dowladda Netherlands ee NOS.
Tareenka oo ka soo ambabaxay magaalada Leiden ayaa xilligii uu shilku dhacayay waxaa uu ku wajahnaa magaalada Hague.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la hakiyey adeegyada tareennada ee waddadaasi.