In ka badan 30 qof oo Falastiin ah oo lagu dilay gudaha Qaza

0
565

Ugu yaraan 31 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Marinka Qaza tan iyo waaberigii saaka, oo ay ku jiraan 28 lagu dilay gudaha magaalada Qaza, sida ilo caafimaad ay u sheegeen warbaahinta Al Jazeera.
Dhimashada dadkan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay 91 qof ku dileen muddo 24 saac ah magaalada Qaza, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska dhaqtar caan ah iyo afar qof oo saarnaa gaari xamuul ah oo kasoo barakacay Waqooyiga magaalada Qaza.