In ka badan 3 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dalka Maraykanka

0
294

Waxaa lagu soo warramayaa in nin hubeysan uu ugu yaraan saddex qof dilay halka uu dhaawacay 5 ruux oo kale, ka dib toogasho uu ka gaystay jaamacadda gobolka Michigan ee dalka Maraykanka.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay inuu weerarkan fuliyo.
Weerarkan ayaa la gaystay xalay fiidkii ee saacadda wadanka Maraykanka.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in shakhsiga weerarka gaystay uu ahaa nin madow ah oo uu si bareer ah isku toogtay ka dib markii uu weerarka gaystay.
Ardayda ayaa lagu amray inay muddo saacado ah hooy ka dhigtaan goob gaar ah oo ku taalla xarunta jaamacadda, taas oo u adeegta ilaa 50,000 oo arday.
Dadka dhaawaca ah ayaa ilaa hadda la ogeyn xaaladda ay ku sugan yihiin, iyadoo aan wali la ogaan nooca qoriga ee loo adeegsaday weerarka.
Sanadkii hore ayay ahayd markii nin hubaysan uu rasaas ku furay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde ee gobolka Texas, halkaas oo uu ku dilay 19 carruur ah iyo labo macallin.
Maraykanka ayaa waxaa ku badan toogasho wadareedka iyadoo sanadkii hore la diiwaangeliyay 648 oo dhacdooyinkan ah.
Sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii, tiradan ayaa ahayd 690 sida laga soo xigtay hannaanka dabagalka ku sameeya shaqaaqooyinka hubka loo adeegsado ee Gun Violence Archive tracker.
Sanadkan keliya waxaa Maraykanka laga soo tabiyay toogasho wadareed dhan 67.