Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir kale oo laga soo tabiyay Koonfurta dalka Turkiga.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Suleyman Soylu ayaa xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariirka oo cabbirkiisu lagu sheegay 6.4.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dhaawacmeen 213 ruux oo dheeraad ah.
Tani ayaa imaanaysa labo toddobaad ka dib markii dhacdooyin dhulgariir ah oo saameeyay Turkiga iyo Syria ay ku dhinteen in ka badan 45,000 oo qof.




