In ka badan 270 qof oo lagu dilay Suudaan

0
224

Ugu yaraan 270 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallada ka taagan dalka Suudaan.
Isku dhacyada u dhexeya ciidamada qalabka sida ee dalkaasi iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa soo billowday Sabtidii la soo dhaafay.
Tirada dhimashada ee ka dhashay isku dhacyada waxaa warbaahinta u xaqiijiyay safaaradaha ay 14 waddan ku leeyihiin caasimadda Suudaan ee Khartoum oo bayaan soo saaray.
In kastoo xoogagga RSF ay sheegeen inay tixgelinayaan xabbad joojin haddana waxaa lagu soo warramaya in weli gudaha magaalada Khartoum rasaas laga maqlaya.
Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu maanta la kulmi doono madaxda midowga Afrika , ururka dalalka carbeed iyo urur goboleedka IGAD si looga wada hadlo xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Suudaan.