In ka badan 27 qof oo lagu dilay Qaza intii uu waaga baryay

0
314

Ugu yaraan 27 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta lagu dilay weerarrada militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah qof lagu dilay xerada qaxootiga ee Bureij ee bartamaha Qaza iyo 5 kale oo looga takhalusay magaalada Beit Hanoon ee dhanka Waqooyi.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ku nafwaayay duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa in ka badan 45,338 ruux halka la dhaawacay 107,764 kale.