Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 27 qof ay dhinteen ka dib markii doon ay dadkan saarnaayeen ay ku degtay wabiga Niger ee ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria.
Waxaa la la’yahay in ka badan 100 ruux oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka wali la la’yahay ay u badan yihiin dumar.
Doonida degtay ayaa sidday ilaa 200 oo rakaab ah.
Doonta ayaa ka soo ambabaxday gobolka Kogi ee Nigeria kuna sii jeeday dalka deriska la ah ee Niger.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay Ibraahim Audu oo ah afhayeenka hay’adda maareynta xaaladaha degdegga ah ee gobolka Niger.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in doontu ay qallibmato.