Wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 25 qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ka gaysatay magaalada ku taalla Koonfurta Qaza ee Rafah.
Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in weerarrada Israa’iil ee Qaza ilaa iyo hadda lagu dilay in ka badan 2,800 oo falastiiniyiin ah.
Dhanka kale ciidamada Qassam Brigades ee ururka Xamaas ayaa sheegaya in tirada la haystayaasha ee gacantooda ku jira ay tahay 250 qof.
Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay siidaayaan muwaadiniinta ajaaniibta ee ka midka ah la haystayaasha marka ay xaaladuhu saamaxaan.