In ka badan 24 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay Ecuador

0
316

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 24 ruux ka dib daadad iyo dhul go’ ku dhuftay wadanka Ecuador.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay caasimadda wadankaasi ee Quito waxaana lagu tilmaamay fatahaadkii ugu xoogganaa muddo 20 sano ah.
Waaxda maareynta musiibooyinka ee dalkaasi ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in tiro kale oo dad ah la la’yahay halka dhaawaca uu maraya 48.
Daadadka ayaa ka dhashay roobab culus oo da’ay kuwaasoo sababay in biyuhu ay ka buuxsamaan guriyo la deggan yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka ku nool magaalada Quito oo tiro dhaan dhan 2.7 milyan badankoodu ay raadsadeen meelo ay gabbaad ka dhigtaan.
Maamullada wadankaasi ayaa dhanka kale ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq ah.
Waxay wararku tilmaamayaan in roobka uu da’ayay 17 saacadood oo xiriir ah taasoo burburisay waddooyinka , beero , xarumo caafimaad , dugsiyo , saldhig boolis iyo xarun koronto.