In ka badan 24 milyan oo iska diiwaangeliyay xisbiyada wadanka

0
514

Diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadeed ee dalka Anne Nderitu ayaa sheegtay in kenyaan tiro ahaan dhan 24.5 milyan ay xubno ka yihiin 82 xisbi oo wadanka ka jiro.
Arrintan ayay maanta shaaca ka qaadday xilli ay qabatay shir jaraaid.
Waxay sheegtay in 15 milyan oo tiradan ka mid ah ay rag yihiin halka haweenka ay gaarayaan 8.6 milyan.
Anne Nderitu ayaa tilmaantay in xubnaha rasmiga ee xisbiyada kala duwan la ansaxin doono 2-da bisha Afaraad ee sanadkan ka hor inta aan la qaban munaasabadaha isreebreebka.